Waraka manta

Madaxweyne  Erdogan aya kuso gaba gabeyay olalihiisa dorashada wareega labad  masajidka abii ayuub al ansaari iyo qabrigii cadnan mandariis

Abii ayub al ansari aya aha saxibigii  nabi mahamad  nabadgalyo iyo naxariis dushisa ha ahatee uu ku dagay gurigiisa.

Saxabigan  aya kamid aha ciidankii kobaad e isku dayey furashada magalada istanbul , cidankan waxa diray saxabigii wayna wa mucawiyee ibnu abii sufyaan.  waxana hogamiye u ahaa yaziid ibnu mucaawiya .

Abii ayab aya ku shahiday dagalka , waxana lagu asay meel u dhaw gidarkii ku wareegsana istanbul

Masajidkan  abi ayu al-ansaari  waxa lagu caleema sari jiray salaadintii khilafadii cusmaniyinta  marka xukunka lo doorto, boqoshadan erdogan aya lagu tilmaami karaa tafaul wanagsan .

Dhinaca kale erdogan  aya booqday qabriga Raizul wazaare cadnan mandariis.
Cadnan aya aha Raizul wazarihii kobaad ee doorsha sax ah ku yimadaa xukunka turkiga.

Cadnan aya turkiga dhaxdisa loga garan ogyahay (shahiidkii aadaanka) , wakhtigisi aya adanka laguso celiyay afka carabiga , hortii mustafa kamaal aya af turki u badalay .

Cadnaan  aya sidoo kale ka asaasay  madariis diini ah kuwaso mamnuuc ka ahaan jiray wakhtigii turkiga ay mamuli jireen cilmaaniyiintii mustafe kamaal.

Erdogan aya kamid ah ardaydii kaso aflaxay e kaso qalin badalatay madariistaa .

Cadnan aya 1960 afgabi lagu sameyay , waxan afganbiga dawr wayn ku lahaa  qolyihii calmaaniyiinta turkiga .

1961 ayeyna daldaleen cadnan . Ilahay ha u naxariisto 




waraka manta

< CASHIRADII LAGA BARTAY DORASHADII TURKIGA 2023 1. kahor doorashada intaynan bilabmin , waxa jirtay guul rabbani ah ( win with out effort ) tasoo mar hore sii helay madaxweyne erdogan , gushasoo ka dhigan qolyaha mucardaka oo il duuf siyasadeed ku dhacay , meshay kamaal kaldjar so sharaxeen qolyaha mucaradka haday so sharixi lahayeen barasabka magalada stanbul wa akram imaam oglo, fursadooda aya badan laheed , sabatoo ah akram wa nin dhalinyara ah , ka shacbiyad badan kamaal, waxad u calamad ah shacbiyada akram , mudadii yareed u barasaab stanbuul wuxu isbadala fikir ku sameyay reer stanbul , taso ka dhigneed stanbul o rubul qarni gacanta oogu jirtay xisbiga talada haya wa erdoganee , inay sanadkan ogu shubeen qolyaha mucaradka . 2. sinan oglo o ah murashaxa sadaxeeya labada murashax madaxweyne , wa erdogan iyo kamaalle , sinan aya cod garaya 5% helay , wuxu aha murashaxa oogu codka yar taso ka dhigan inuunan u gudbi doonin warega labad ee dorashada (Round two) hadaba waxa is waydiin mudan halka ay aadi donaan 5% tageere ee sinaam yu , labada nin wa erdogan iyo kamaal aya waxa u dhaxeeya 5% , haduu erdogan helo wuxu shaki la aan noqon madaxweyne .halka kamaal hadu helana fursad wayn u noqon doonto. hadaba waxa halkaa ka muqata sinan inuu yahay jaan gooyaha dorashadaa. sinan aya hordhigay labada murshaxa min hal shardi marba kii kaso baxana uu tageeri doono , SINAN oo qawmiyada turki nimada ku tacasubay aya erdogan hor dhigay shardi ah in uu balan qaado inuu wadanka ka cayriyo siriyaanka iyo afgaanka joogo turkiga ee kuso bara kacay , halka kamaal uu hordhigay inuu kurdida ay is wataan ka fogaado arinkasoo ku adag kamaal wayo diyaar bakar oo ah magalada lixaad e turkiga ogu wayn waxa daga kurdi, xalay waxay badankood ogu shubeen kamaal , sidaa waxa la mid ah mela badan o ay dagaan kurdida, kamal waxa hor yala laba daran mid ddooro ama kurdida ama 5% sinan 3. cashirka sadaxaad een ka baranay aya ah , samaynta ay da"yarta turkida ay ku yesheen codayntan, 6 million o da"yar ah ayaa markodi kobad cod bixinaya , kuwasoo intooda badan jecel reer galbeedka iyo Eurobian Union ku biiristooda, waxayna ka war hayaan halka ay kala jogaan reer galbeedka iyo Erdogan . dhinaca kale erdogan aya sanadkan tabaya tageerayashisii classki ahaa (old ages) kuwasoo xadkii codaynta dhafay qaar badanoo kamid ah 4 magaca stanbul o marka la macneeyo noqonaya magaladii islamka , aya sandkan o markii kobaad u codaysay dhinaca mucaardka cilmaanigaah , stanbul aya ahaan jirtay caasimadii cusmaaniyiintii , ta lidkeeda ankara o mar danbe ay uso warejiyeen qolyaha cilmaaniyiinta caasimada wadanka , aya xalay erdogan u codaysay
5. laba isbuuc kadib aya la qaban donaa wareega labad inta kahoraysa waxa la filayaa in labada musharax wa kamaal iyo erdogan inay si dardar ah u bilaabi doonaan olalahooda doorasho , khasatan waxay culayka saari doonan magalada stanbul