Tartanka dorashada madaxtinimo e maraykanka  (USA).

Yaa doorta madaxweynaha mareykanka?

Inteena badan aya haysta sawir ah in shacbka mareykanku   doortaan madaxweynaha wadankooda, lkn arinku sidaa u ka duwanyahay ,

Hadaba si aan u fahanno qaabka loo doorto madaxweynaha wadankaa wa inaan xog buuxda ka helnaa labada nooc ee maraykanka dhaxdiisa loo codeeyo, popular vote & Electoral College

Hadaynu ku bilowno Electoral College o ah nooca cod bixinta sidoo kalana jaan goysa madaxweynaha wadankaa .

maraykan aya ka kooban 50 ismamul hosaad/gobollo +ismaulka magala madaxda washinoton ,wadarta guudna noqonaysa 51 ismamul hosaad , hadaba , sidaa si lamid ah waxa jira laba aqal o uu ka koobanyahay barlamanka maraykanka(congrees of USA aqalka sare (senators) o wadartooda guud tahay 100 senator ,kuwasoo lixdii sanaba mar la doorto, waxana si isku mid ah loogu qaybiyay 50 ismaamul min laba senator.

aqalka hoose (House of representative ) wa aqalka labaad kana koban 435 xubnood , kuwaso labadii sanaba mar la doorto, wana wadanka kaliya ee aqalkooda  hoose labadi sanabo mar la doorto,waxana lagu jaan gooyay tirade dadka maraykanka ku nool,

hadaynu tusaale uso qaadano gobolka California o ah goboka oogu dadka badan maraykanka ,  wadarta guud e shacabka ku dhaqanna ay   gaaraysa illa 40 malyan waxay  nasiib ahan u heleen  52 xubnood, haaf malyan walboo dadka  mareykanaka ah waxa matala hal xiliban o aqalka hoose ah ,inta waxa dheer sadax  xubnood o ay ledahay magala madaxda washiton. Wadarta  guud e xilibanada aya noqnaysa 538 xiliban , wana xubnaha sida  tooska ahi madaxweynaha u dooorta, sidoo kalan jaan gooya qofka xilka madaxweynaha qabanaya.

Dhinaca kale,waxa jira cod bixin shacabku ay cod bixiyan (popular vote) malinka dorashada , ayago marka doorta murashaxa ay is leyihiin uu u  qalmaa xilkaa madaxweyne, xubnaha labada aqal ee barlamaka  iyo gudomiyayasha gobolada (Governors) ,ayado hal waraq lagu wada doorto, waraqda cod bixinta aya ill hal mitir cabir ahaan  dhan.

Arinka layabka leh aya ah,Tiro shan jeer ah inay  ka dhacday mareykana in musharax  madaxweyne  helay  tira cod shacab tiradasoo ka badan tirade u helay shakhsiga la tratamayey hasa ahatee unan ku gulaysanin xilka madaxweyne.

Sidee  ayey ku dhacday?

Sidaan  kor ku xusnay waxa jira mareykanka dhaxdisa laba nooc o cod bixin kuwaso kala ah electoral vote o ay codkooda dhiibtaan xilibaanada iyo popular vote o ay codkooda dhibtan shacabka mareykanka ku nool, sanadkan aya la shegayaa illa 240 malyan o shakhsi inay xaq u leyihiin inay codeyaan, hadaba 240 malyan 60 boqokiba haday  Kamala Harris hesho , trump na helo 40 boqokiba , lakin dhinaca electoral vote hadu helo  wax ka badan haaf  codadka xilibanada  269+1 , Kamala Harrisna hesho 268, waxa sidaa madaxweyne ku noqon Donald trump

Solyaalka mareykanka ee tartanka  doorasho madaxtinimo  , tiro shan jeer ayey dhacday  in musharax  u helay tiro cod shacab o ka badan inta dhigiisa la tartamayo u helay hasa ahatee looga guleystay dhinaca electoral vote saana ku wayey xilka madxweyne, tusaalaha ogu dhaw aya ah dorshadan hadda socota tii kahoraysay waa  Trump  iyo Hilary Clinton, Clinton aya ka sareysay codod sadax malyan garaya trump hasa ahatee maynan ku gulaysanin o waxa natijada jaan goyay qolyaha xilibanada (electoral vote ) halkasuna kaga sara maray trump Clinton.

Dhinaca gobolada dorashadu ka dhacayso (states) wa qayb muhimadeda leh marka la joogo haykalka dawladnimo e mareykanka, marka la tilmamayana waxa lagu shega inay yihiin dawlad  dalwad kale ku dhax nool (deep government /dawlah camiiqah )waxana  loo qaybiyaa illa sadax qaybood ,

1.gobolada  cas/marodiga :- wa gobolla ku caan baxay inay mar walba  codkooda siyan xisbiga Republican Party,

2.gobolada bluuga ah/ dameerka :- wa gobollo  inta badan xisbiga dimiquradiga u codeya,

3.waxa jira gobol loo yaqaanno gobolada kala rajaxa(swing states)  , wana gobollo tira 7 gobol ah , qolana laguma tiriyo, inta badanna wa melaha xooga ay saran musharaxinta wakhtiga ololaha  , marba dhinacay racaan aya gulaysata ,arinka kale e ka jira mareykan aya ah , musharaxa madaxweyne hadu gobol 49 boqolkiba ka helo codadka electoral vote/ , musharaxa  kalana u helo 51 boqokiba, qofka codka batay aya waxaba la iskugu tara, musharaxa codadka yarna zero aya lo qoraa .

Gabagabada hadaynu usoo dhadhacno, Codayntan markay dhamato waxa xigi dona in codadka la tiriyo, xilibanadii labada aqal e la dortayna ay ku kulam gobol walba cogress/ aqalka xilibanada u leyahay, inta waxa xiga in xilibanada o dhan ay wada yimadaan  aqalka congress ee magalo madaxda washiton ku yala, halkana ay ku doortaan madaxweynaha wadanka.

 mareykan aya ah wadanka kaliya ree galbeed kaso madaxweynaha qaab anan toos ahayn lo dorto ,

M

 Fallo.

Mar aan dawanayey ololaha  tartanka madaxtinimada maraykanka ,waxa iso martay sawirka shan madaxweyn hore kuwaso iskaga  danbeyay  jagada madaxweyne e wadanka maraykanka(Jimmy Carter, Bill Clinton, Barack Obama, George W. Bush and George H.W. Bush)



waana sawirka xaga sare  ka muqda , waxa laga yabaa sawirkan kulmiyey shanta madaxweyne inaynay sojidasho badan lahen marka maraykanka dhaxdisa la jogo ama dunida ree galbedka la jogo (USA+Eurobe+Canada+Australia ) wa inta la isku yirahdo reer galbeed, ta waxa la mid ah  ingiriska oo ad heleyso lix  raisulwazare o iskaga danbeyayey xafiska raisul wazarah dalkaa  , sidaa waxa lamid  ah France, Germany Belgium iyo wadama kaloo yurub ah ,lkn arink layabka leh aya ah markad jogto dunida carbeed ma  heleysit madaxweyne hore o carbeed kaso ku nool wadanku madaxweyne ka ahaan  asago ah madaxweyne hawl gab ah ama ka faristay siyasada illa ama wadanka aya laga eryaa ama  xabsiga aya la dhigaa ,wana  dictatorship nimo marag ma doonta ah.

W/Q:- Abdisemed Hasan Kasin

Siyad &Mingistu is barbardhig.

 

                                                      

Mantoo kale , wakhti laga  joogo 33 sano, wa maalin la baxday  loona  garan ogyahay Ethiopia dhaxdeeda  (hayaa ginbood) marka afsoomali loo rogana lamicno ah 20kii  bisha  ginbood  wana maalinkii  xukunka Ethiopia laga turay  kaligii taliyihii loogu yeeri jiray afka amxaariga (qay shibir)   /Red_Terror/argagixisadii guduudneed o  ay ola jedaan  Mengistu Haile Mariam,wana malin kamid ah malmaha shaqaalaha dawlada ay fasax kayihiin shaqada si lamid ah sabtida iyo axada.

magaca  Red Terror maxa loogu  bixiyey ?

Wa qiso  qoraal dheer u baahan  hasa yeshee  hadaan yara taabanno,  waxa la shegaa inuu malin meel fagaare ah ayadoo la jogo mingistu so turay dhalo ay ka buuxdo dhiig . Asago marka ku cabsi galinaya mucaradkisa , una diraya dhanbaal  xanbarsan dhiilo iyo colaad .

 isla sanadkaa asagana waxa xukunka la dhafiyey  madaxweyne siyaad barre .

mingistu wuxu ooga baxay Addisababa  diyarad , asago markaa magangalyo siyasadeed ka helay  madaxweynihii labaad ee wadanka Zimbabwe so maray waa  Robert Mugabi .

isku day iyo dagaalo kalana ma galin ,wuxu u dayey Ethiopia qolyihi mucaradka  ayna  majaraha u hayeen qawmiyada tigreega, Halka madaxweye  siyad barre26 january xili maqrib ah Tangi nocisu aha T55 o ay sameyeen soviet union oga baxay muqdisho.

Mingistu shanqar danbe kamaso yerin halka Siyaad barre saldhig wayn ka sameystey Gedo iyo kismayo, tiro laba jeerna  dulaan kuso qaday caasimada muqdisho asagoo qarka u fulay inuu mar kale xukunka xoog ku qabsado.






 

Hadaba , Su'aalaha  u bahan in la iswaydiyo Research/cilmi baris dheeri ahna u bahan aya ah:-

1. maxay isku masiir u noqon wayeen, maxa kala wadiiqa mariyay ETHIOPIA &SOMAALIA ?

2. Maxay ethiopia usii jirtay Halka somalia ay burbur cagaha la gashay ?

3.Ma waxa la oran karaa mingistu aya diyariyey hab ay usii jiri karto Ethiopia dabadii?

4.ma  qolyihii  Ethiopia la wareegay  o ay majaraha u hayeen  (tigre/EPRDF) aya ka wadanisana mucardkii maanta Villa Somalia ka kiciyey Siyaad baree , wa USC Ou horjoge u aha General  Caydiid  iyo SPM oo uu  horjoge u aha coloneel  ina cumar jees .

5.mase la oran karaa qolyihii la magac baxay (Manafeesto )o ay ku midaysnayeen ganacsato iyo odayaal inay  qayb ka ahayeen burburkii somaliya siyaad barre dabadii madama ay kula qabsadeen xukunka jabhadihii so halgamay.

MacBook laptop, Dubai used ,


                                           MacBook laptop, Dubai used , with Discount of 45%

waraka manta


 Cabdinsir Macalin Cabdullaahi (Cabdinaasir Magool) ,

Master Cilmiga Biyaha iyo Teknooloojiyadda, sidoo kale  Bare Jaamacadeed

Wa mid kamid ah  qalinlayda  hibadooda qoraal kusoo bandhigta websitka  www.jiiilkamanta.com